Home » Xuska 26,Jun oo lagu qabtay xalay Magaalada Baydhabo(SAWIRRO)

Xuska 26,Jun oo lagu qabtay xalay Magaalada Baydhabo(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Muddo 64 sano ayaa laga joogaa 26 June 1960 oo ku beegan maalintii ay Xornimada ka qaateen Ingiriska gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, sidoo kalena aheyd markii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed.

Munaasabadaasi waxaa iyadana xigtay kowdii Luulyo oo goboladii Koonfureed heeryadii gumeysigii Talyaaniga ka xoroobay iyo isku biiridii walaalahoodii Waqooyi, halkaasina ku abuurantay Jamhuuriyadii Soomaaliya.

Waayahaasi adkaa ee lasoo maray 64 sano kahor, Guushii Israacii iyo Midowga Gobollada Waqooyi iyo Koonfur 1960-kii waxay niyad jab ku noqotay xiligaasi Gumeystihii Ingiriiska oo markaasi dareemay wada jirka Soomaali ay dooneyso iney ku wada noolaadaan, waxaase Ingiriiska kasii darnaa Boqorkii Itoobiya ee Xeyle Sallaase oo markii uu maqlay Midowga Gobolada Waqooyi iyo Koonfur, beesha caalamka u muujiyay sida uu ugu xun yahay israaca labada Gobol.

Taliska qeybta 60,aad Ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed ayaa xalay lagu qabtay Xuska 26 June 1960 oo ku beegan maalintii ay Xornimada ka qaateen Ingiriska gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, sidoo kalena aheyd markii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uulin ka tirsan maamulka KGS, labada golle, saraakiisha Ciidamada kala duwan, odiyaasha dhaqanka, ururada dhalinyarada, haweenka, Fanaaniin iyo Marti sharaf kale.

Intii munaasabadda ay socotay ayaa waxaa lagu Soo bandhigay khubado iyo heeso ka hadlaayay 26 Jun iyo sidoo kale sidii hadda looga qeyb qaadan lahaa dagaalka loogu jiro xureynta dalka soomaaliya kuwaasi oo 16 dhibaato ku hayaan kooxda al-shabaab.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com