Wednesday, February 28, 2024
More

    Xureyntii degmada Xudur 15 Sano ka hor maxaa iska bedelay?

    Xudur(CKG)-Degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ee KGS, waxay kamid tahay degmooyinka Xiligaan ka taagan xaaladaha bini’aadinimada iyadoo 15 sano ka hor laga xureeyay kooxda AS.

    Degmada Xudur oo 25 sano ee la soo dhaafay maamulaayay Maxamed Macalin Axmed ayaan heli wax yaabihii nolosha aas aasiga u ahaa walow ay jireen wax yaabo aan badneen oo maamulka qabtay.

    Hadda oo maamulka degmada Xudur loo doontay Cumar Cabdulaahi oo ah wiil dhalinyaro ah balse xaaladda degmada Xudur waxay tahay mis sicir bararkii ugu dambeeyay ay kaalimaha hore kaga jirto degmooyinkaa dalka.

    Ma jiraan gaadiid isku haleyn karta marinta wadooyinka degmada Xudur markii laga reebo wadada ka timaada magaalada Beledweyne oo ay soo galbiyaan Ciidamada iyadoo mararka qaar wadada loo galo.

    Wadada kaliya ee degmada Xudur u furan ayaa ah in diyaarad wax lagu geeyo todobaadkii mar mar haddii lahelo, lakiin bagaasha iyo rashiinka lagu keeno diyaaradda ayaa ah mid qaali ah.

    Degmada Xudur ugu yaraan halkii Moos ayaa ka jooga qiimo u kala dhaxeyso $1 ilaa $0.5 kaasi oo iibsata qofkii awoodo iyadoo tusaale ahaan Muuska magaada Baydhabo uu ka joogo 4 kun oo shilan soomaaliya ah oo $1 u dhiganta 7 xabo.

    Dhinaca dalagyada lagu iibiyo degmada Xudur ilaa 15 KM waxaa dhabarkoda ku soo galiyaa haweenka ka ganacsada si dhumaleysi ah waxaa halis weyn ah haddii kooxda al-shabaab ay ku aragto dilayaan sida marar badan ay dhacday.

    Xudur waxay u baahan tahay xureyn iyo kaalmo deg deg ah.

     

    Codkakoonfurgalbeed.com

     

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com