Home » Xukuumadda Soomaaliya oo ka dal batay Beesha caalamka in ay xoojiso Taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya

Xukuumadda Soomaaliya oo ka dal batay Beesha caalamka in ay xoojiso Taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)- Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galay daah-furka madasha sanduuqa mideysan ee Soomaaliya (Somalia Joinr Fond)

Madasha sanduuqa mideysan ee Soomaaliya ayaa loogu tala-galay in lagu taageero horumarka iyo dawlad-dhiska, sidoo kale sanduuqan ayaa xoogga saari doona taageerada siyaasad loo dhan yahay, hirgelinta sharciga, xuquuqal insaanka, wax ka qabashada isbedelka cimilada, horumarka dhaqaalaha iyo arrimaha

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in qorshaha Xukuumadda Dan-Qaran iyo ka guud ee Qaranka ay ku salaysan yihiin sidii loo heli lahaa Soomaaliya isku filan oo isku tashata si saaxiibbada beesha caalamku ay ugu gurmadaan meelaha kale ee mudan taageerada.

Ugu danbayn Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ugu mahad celiyay saaxiibbada beesha caalamka ee qeybta ka ah sanduuqan garab istaaggooda iyo taageerada ay la barbar joogaan shacabka Soomaaliyeed.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com