Baydhabo(CKG):-Xuseen Axmed Daahir iyo Xasan Cabdirashiid oo muddo dheer ka tirsanaa Khawaarijta ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, ragaan ayaa sheegay in la qalday markii hore, balse hadda ay ka soo hareen fikirkii guracnaa ee Khawaarijta.
Sidoo kale waxay sheegeen inay u dul-qaadan waayeen dhibaatooyinka duurka ku heysta Khawaarijta iyo baacsiga ay kala kulmaan ciidamada qaranka, iyagoo raggii kala tirsanaa argagixisada ugu baaqay inay dhibaatada ka dhaafaan shacabka Soomaaliyeed, iskuna soo dhiibaan dowladda.
degaanada koonfur galbeed soomaaliya ayaa kamid ah ama ugu badan meelaha ay iska soo dhiibayaan dhalinyarada ka soo baxda kooxda Al-shabaab ayagoo isku soo dhiibayaan ciidamada xoogga dalka qeybta 60,aad iyo hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka koonfur galbeed soomaaliya waxayna helaan goobo lagu dhaqan celiyo.
Codkakoonfurgalbeed.com