Kismaayo (CKG)-Â Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo deegaan dorashadoodu tahay Jubbaland ayaa maanta deeq Geel ah ku wareejiyay Wasiirka Amniga Jubbaland, taas oo loogu talo galay Ciidamada kala duwan ee dagaalka kula jira Al Shabaab.
Xildhibaan Siciid Maxamed Cali ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada XFS, Xildhibaan Cumar Yuusuf Qalaadiid, Xildhibaan Nasro Sheekh Mahdi, Xildhibaan Xasan Ugaas iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Waceys ayaa ku wada sugnaa goobta Deeqda Geela lagu warejinayey.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Jubbaland S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo Geela lagu wareejiyay ayaa ka mahadceliyay Deeqda.
ma’ahan markii ugu horeysay oo xildhibaanada Deegaan doorashadoodu tahay jubbaland ay ku wareejiyaan deeq Geel ah ciidamada ku jira Difaaca hore ee Deegaanada Jubbaland tani waxay dhiiragelin u noqoneysa Ciidamada iyo Saraakiishooda.
CodkaKoonfurGalbeed.com