Home » Xubno ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibey Ciidanka Nabadsugidda koonfur Galbeed.

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibey Ciidanka Nabadsugidda koonfur Galbeed.

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Taliska Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo ayaa  kusoo bandhigey 6-Xubnood oo ka Tirsanaa kooxda Al-shabaab oo isku soo dhiibey Ciidanka Nabadsugidda koonfur Galbeed.

Xubnahan isu soo dhiibay laamaha ammaanka ayaa xda Al-shabaab uqaabilsanaa dhanka Jabhadaha,waxayna kasoo qeyb-qaateen dagaallo ka  kala dhacay  Gobolada Dalka gaar ahaan koonfur galbeed soomaaliya.

Dhallinyaradaan isa so dhiibay ayaa ugu baaqay saaxibadooda kale ee  weli ka tirsan xda Al-shabaab inay isaga soo baxaan maleeedhiyaadka arxanka daran.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa aad u soo badanaayey xubnaha ka soo goosanaya argagixisada ee ka soo haray fikirka gurracan ee xda Al-shabaab.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com