Muqdisho (CKG) – Taliska qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay Isxaaq Cabdiraxmaan Maxamed oo magaciisa Afgarashada A-Shabaab loo yaqaano uu yahay (Muscab), kaas oo isku soo dhiibey Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed.
War ka soo baxay taliska ayaa waxaa lagu sheegay in Isxaaq uu Al-Shabaab u qaabilsanaa jabhada, isagoona ka qeyb qaatey Dagaalo ka dhacay Deegaanno ka tirsan Gobolada Baay iyo Hiiraan ee Maamulada Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle.
Isaaq oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaaa uu sheegay in sababta ku kaliftey in Al-Shabaab, isaga soo baxo ay tahay dhibaatada ay u geysaneyaan Shacabka aan waxba galabsan iyo dhibaatooyinka kale.
Wuxuu Isxaaq Cabdiraxmaan baaq u direy Saaxiibadiisa kale ee ku jira Al-Shabaab in ay isaga soo baxaan oo isku soo dhiibaan Ciidanka Dowladda Soomaaliya, isla markaana dadkooda ay kamid noqdaan.
Ugu dambeyn, dhowr jeer ayaa Taliska qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa isku soo dhiibay xubno katirsan Al-Shabaab, kadib howlgallo xoogeystay oo ka dhacay degaano katirsan Gobolada, Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
CodkaKoonfurGalbeed.com