29
Xudur-(CKG):-Saciid Moogaw Maday oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee ku sugan magaalada Xuddur, Ninkaan ayaa ah gacan yaraha horjooge Cabdiraxmaan garweyne oo u qaabilsana maleeshiyada gobolka Hiiraan.
Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ayaa sababay in ay maleeshiyaad badan oo u dagaalamay Al-shabaab ay isku soo dhiibaan ciidamada xoogga dalka ee doonaya in ay ka sifeyaan Al-shabaab deegaannada faro ku tiriska ah ee ay ku dhumaaliyesanayaan.
Codkakoonfurgalbeed.com