Baghdad (CKG)-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Xamse Aadan Xaadoow, ayaa maanta kula kulmay Caasimadda Baghdad, Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ciraaq ugu xilsaarran xiriirka labo geesoodka, Danjire Mohammad Hussein Mohammad Ali Hadi Bahr Aluloom, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya laba dal ee walaalaha ah.
Kulanka ayaa diirradda lagu saarray horumarinta xiriirka, is-dhaafsiga khibradaha, xoojinta kalsoonida labada dhinac, iyo in la sameeyo dadaallo wadajir ah oo lagu hormarinayo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee nacfiga u leh shucuubta labada dal.