Home » XOG CUSUB: Mareynkanka oo weerar ka fuliyay gudaha Soomaaliya +(War-saxaafadeed)

XOG CUSUB: Mareynkanka oo weerar ka fuliyay gudaha Soomaaliya +(War-saxaafadeed)

by CKG Editor

J/Hoos (CKG) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in kadib codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar is difaac ah ka fuliyeen deegaanka Wayanta ee gobolka Jubbada hoose Soomaaliya 1-dii June oo khamiistii ku beegneed.

War-saxaafadeed ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso in weerarka oo ka dhacay meel 60 km koonfur galbeed ka xigta magaalada Kismaayo ay ku dhinteen saddex ka mid ah Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxaa warbixinta lagu sheegay in qiimeynta ay muujineyso in wax shacab ah aysan ku dhaawacmin ama ku dhiman weerarka.

“AFRICOM iyo ciidamada la shaqeeya ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalkan, waxayna bixin doonaan macluumaad dheeri ah sida ugu habboon, Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan unugyada ku lug lahaa howlgalka iyo agabka la isticmaalay lama sii deyn doono si loo xaqiijiyo amniga hawlgallada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ugu dambeyn, AFRICOM ayaa sheegay in Soomaaliya ay xuddun u tahay amniga iyo xasilloonida Bariga Afrika, ayna ka caawin doonaan dowladda federaalka Soomaaliya sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com