Baydhabo(CKG)-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka DGKGS Mudane, Xasan Cabdi qaadir Maxamed u ee wehliyaan Gudoomiyaha Maxalamada Sare DGKGS , Xeer Ilaaliayaha guud DGKGS, Wasiiradda Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka, Wasiirka Wasaaradada Howllaha guud ayaa maanta Baydhaba kusoo afmeeray kulanki joogtada Sedax billod laha ahaa mudadii Afarta sano so socday u dhexeeya Wasaaradda Cadaaladda iyo hey’ada Pact ama ( EAJ) Gudigii Farsamo ee hawl-gelinta Hannaanka Fidinta Caddaaladda.
U jeedka kulanka oo muddo laba maalin ah socday ayaa ahaa sidii la iskula meel dhigi lahaa habka ugu habboon ee Wasaaradda u sii wadi lahed kulanka joogtada sedax billod laha iyo hey’ada NGO Cadaladda ka shaqeeyo iyo hannaanka shuruucda, habraac, iyo qorshayaasha u ku sii socon lahaa kualanka.
Wasiir Xasan Cabdi qaadir ayaa gabagabadii kulanka bogaadiyay hey’ada Pact hawlaha u qabsoomay muddadi uu socday Fidinta marinka Adeega Cadaaladda, sidoo kalena ballan qaadey in Wasaaradda Caddaaladda dedaalka halkaas kasi wadi doonto.
Codkakoonfurgalbeed.com