Home » Xildhibaan Aadan Cabdinaasir oo taageeray banaanbaxyadii gobolka Bakool.

Xildhibaan Aadan Cabdinaasir oo taageeray banaanbaxyadii gobolka Bakool.

by Weriye Ateera

BAKOOL(CKG)-Labo maalin is xigay degmooyinka Waajid iyi Xudur oo xarun uga gobolka Bakool waxaa lagu qabtay banaanbaxyo looga soo horjeeday bixitaanka ciidamada kuwaasi oo waqtigooda dhamaaday.

Dowladda, siyaasiinta iyo shacabka ayaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay ayadoo ciidamada Itoobiyaha lagu bedeli doono ciidamo kale oo ka socdaan dalka Masar.

Adan Cabdinaasir oo kamid ah xildhibaanada Aqalka sare oo laga soo doortay KG gaar ahaan degmada Xudur ayaa sidaan bartiisa Facebook’giisa ku soo qoroy.

Reer Bakool  20-ki sano ee u dambeeyay waxa ay dhibane u ahaayeen ilaalinta Calanka Soomaaliyeed, halgankaasi naf-hurnimada ah waxa ay ku waayeen kumanaan bulshada indha u aheyd welina waay sii wadi doonaa ilaalinta sharafka iyo karaamada bulsha waynta reer Bakool.

Marnaba isma laheyn Dowladi ay shalay garabka ka waayeen baa sumcad dil iyo aflagaado abaabuli doonto, marnaba ma aqbali doono odayaasha iyo shaqsiyaadka caada qaatayaasha ah ee lasoo abaabulay in ay sharafka Madaxda Reer Koonfur Galbeed iyo bulsha waynta ku xadgudbaan waana la iskula xisaabtami doonaa dadka soo abaabulay iyo kuwa aflagaadeeyayba.

Reer Bakool  waa astaanta midnimada iyo wadajirka bulsha waynta Soomaaliyeed, dadkeeeygoow halganka sii laba jibaara dowladiina Soomaaliyeed hadii ay idin hagratay ogaada in aan idiin taaganahay danihiinana aan ka shaqeyn doono had iyo jeer ilaa aan ka xaqiijin doono  rabitaankiina.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com