Muqdisho(CKG)- Xildhibaan Maxamed Abuukar oo ka tirsan Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya degaan doorashadiisana ay tahay KGS, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay safaradii dhawaan madaxweynaha KGS mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu ku maray qaar kamid ah degmooyinka KGS.
Xildhibaanka ayaa sheegay in safaradaasi ay ahayeen kuwo ku gabasho ah oo lagu indho sarcadaayay shacabka ka soo jeedaan KGS weliba kuwooda ka maqan ee aan ogeyn waxyaabaha degaanadooda ka socdaa.
Maxamed Abuukar oo u waramaayay warbaahinta ayaa sheegay in waxyaabaha lagu tilmaamay diyaar garow lagu xureynaayo KGS, kaliya ay yihiin wax uu wadto madaxwene Lafta-gareen.
“Madaxwenaha uma diyaarsana in siyaasiinta KG ay kala shaqeyaan amniga iyo ladagaalanka kooxda Al-shabaab si looga saaro goomaha weli ay ka maamulaan KGS”
Xildhibaanka oo hadalkiisa wadta ayaa yiri ” madaxweyne Cabdicasiis asigaa albaabka ka xirtay siyaasiinta wuxuu is leeyahy hadday soo gaaraan madaxtooyada kursiga ayay ka tuuri doonaan”
Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Abuukar ayaa sheegay in xildhibaanadii laga soo doortay degaanadooda u diiday madaxweynaha inay booqdaan oo ay ogadaan xaaladdooda sida ay tahay, taasi oo xildhibaanka ku tilmaamay in gacanta kooxda al-shabaab lee aysan ugu godoonsaneen ee gacanta madaxweyne Cabdicasiis ay tahay gacan kale oo godoomisey shacabka KGS.
Ugu dambeyntii Xildhibaan Maxamed Abuukar ayaa wuxuu ku taliyay madaama la leeyahay madaxweyne Lafta-gareen wuxuu fursad siyay dhalinyarada KGS in uu ka dhabeeyo oo siyaasiinta ay kala shaqeyaan maamulka degaanadooda si horumar loo gaaro.
Codkakoonfurgalbeed.com