Home » Xil. Aadan Garaad “Degmada Ceelberde xiligaan hiilo ayay ubaahan tahay”

Xil. Aadan Garaad “Degmada Ceelberde xiligaan hiilo ayay ubaahan tahay”

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Xildhibaan Aadan Maxamed Cusmaan Garaad oo ka tirsan golaha Baarlamaanka KGS, oo ku hadlaayay magaca maamulka iyo shacabka KGS, ayaa wuxuu baaq udiray maamulka, Odiyaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidan ee ku sugan degmada Ceelberde inaysan ogolaanin in lagu kor dagaalamo bulsho jeceyl nabada iyo xasiliinida degaanadooda.

Xildhibaan Aadan Maxamed ayaa tilmaamay ama sheegay in maanta la joogin xili ay isku dhacaan ciidamadii loogu tala galay in ay habeen iyo maalin amnigooda ay ka sugi lahayeen cadowga mar kasta ku soo duula degaankooda.

“Maanta dowladdiina, dadkiina iyo degaankiina hiilo ubaahan yahay, maanta haddaad dagaal u horseedaan beri hiilo idinkama baahn”

Sidoo kale xildhobaanka oo hadalkiisa sii wadta ayaa sheegay in maanta halka ay taagan tahay degmada Ceelberde ee gobolka Bakool ay tahay meel wanaagsan oo horumar leh, taasi oo lagu keenay dadaal badan oo si wada jir ah loo qabtay maamul iyo shacab.

Xildhibaan Aadan Maxamed Cusmaan Garaad ayaa ugu dambeyntii, wuxuu baaq udiray dowladda FS iyo dowlad goboleedka KG in ay xoojiyaan nabad galiyada degmada Ceelberde ee gobolka Bakool.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com