Garoowe (CKG) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Xiisad dagaal ay ka taagan tahay Wadada laamiga ah ee u dhexeeya Garoowe iyo Sinujiif.
Ciidamo ka tirsan dowladda oo ka yimid Gobolka Bari ayaa gaaray deegaanka 22-aad, oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Taabacsaan Siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland .
Xiisadda dagaal ee ka Taagan Magaalada Garoowe ayaa salka ku haysa qabashada doorashada saddexda degmo ee kala ah, Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan.
Si kastaba, Puntland ayaa la filyaa in ay kordhiso tirada Ciidanka Garoowe uga si ay u xqiijiyaan Amniga magaalaas oo la doonayo in lgu qabto doorashd Golayaasha deegaanaka ee qof iyo cod.
CodkaKoonfurGalbeed.com