Beledweyne(CKG)-Wararka imaanaya Magaalaada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Ciidamo taabacsan Gudoomiyihii gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday Cali Jeyte Cismaan ay xirteen wadooyinka Magaalada Baladweyne.
Ciidamadaan Taabacsan Cali Jeyte ayaa xirtay wadada laamiga ah ee isku xirta isu Magaalada Baledweyne ilaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif .
Sidoo kale ‘ wararka ayaa sheegaya Ciidamo kale oo taabacsan Madaxweyne ku xigeenkaa Maamulka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed inay wadaan dhaq dhaqaaqyo ay uga hortagayaan ciidamada Taabacsan Gudoomiyhii hore gobolka Hiiraan Cali Jeyte ee xilka laga qaaday.
Hase ‘ahaatee’ Talaabadaan ayaa ku soo aadeysa , Xilli Xalay saqdii dhexe la shaaciyay warqad xilka uu uga qaaday madaxweynaha Hirshabeelle Cali Jeyte Cismaan oo ahaa Gudoomiyhii gobolka Hiiraan .
Lama oga xaalada Magaaladaa Baladweyne halka ay ku dambeeyn doonto , iyadoo haddii aan la xalin xiisdada halkaas ka taagan ay keeni karto dagaal toos ah oo dhexmara ciidaamada Maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa Taageersan Gudoomiyhii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan
Codkakoonfurgalbeed.com