Home » Xiisad ka Taagan duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelada Dhexe

Xiisad ka Taagan duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelada Dhexe

by Weriye Ateera

Warsheekh(CKG)-Wararka ka imaanaya degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya inay xiisad ka taagan tahay duleedka Bari ee Degmadaasi.

Xiisadan ayaa la sheeğayaa inay ka dhalatay isqab-qabsi la xiriira Dhisme garoon diyaaradeed oo la doonayo in laga hergeliyo halkaas.

Gudoomiye ku xigeenka Arimaha bulshada ee maamulka Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe Muxudiin Maxamed Maalin oo u warramay warbaahinta Risaala ayaa xaqiijiyay inay xiisadu halkaa ka jirto isagoo sheegay inay jiraan dad diidan dhismaha Garoonka diyaaradeed ee lagu wado in laga hergeliyo duleedka Ddegmad Warsheekh ee gobolka Shabeelda Dhexe.

Ugu dambeeyntii Gudomiye ku xigeenka Arimaha bulshada maamulka Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe Muxudiin Maxamed Maalinayaa Tilmaamay in Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Hirshabeele ay wadaan dadaalo lagu xalinayo xiisada si loo loo hergeliyo Dhismaha Garoonka diyaaradeed .

Codkakoonfurgalbeed.com

 

 

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com