Mahadaay (CKG)- Wararka laga helaayo Degmada Mahadaay Ee Gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa waxaa ka taagan xiisad colaadeed oo u dhaxaaya Al Shabaab iyo ciidamada Dowlada.
Xiisadan ayaa tamif kaddib markii dagaalamiyaal ka tirsan Al Shabaab ay u soo dhawadeen Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Guddoomiyaha Degmada Mahadaay Mudane Saalax Ahmed Wiish. ayaa u sheegay Codkakoonfurgalbeed.com inay joraan dhaqdhaqaaqyo ku aadan sidii loogu hortagi lahaa Al shabaab oo uu sheegay inay u soo dhawadeen Degmada.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” Al shabaab sababta ay degmada ugu soo dhawadeen ayaa ah kaddib markii ganacsatada Degmada gabi ahaanba diideen lacagihii laga qaadi jiray taasina keentay in Al shabaab ay si handadaad ay ugu sameeyaan shacabka ay u soo dhawadaan degmada kaddibna teleefano ay ku soowactameen.”
Waan ka war haynaa Amaanulka Al shabaab ciidamada xogga dalka, Maamulka Degmada iyo ATMIS intaba waxay ku jiraan diyaar garow xoogan oo ciidamadu ay ugu jiraan si shabaab loogu saari lahaa deegaanka 23 KM oo shabaab u jiro Degmada cabsi ma gelin karto ciidankeenna iyo shacabkeenna ayuu hadalkiisa raaciyey guddoomiyaha.
Codkakoonfurgalbeed.com