BAYDHABO(CKG) – Labo qaraxyo oo kuwa gacanta laga tuuro ah ayaa waxaa xalay lagu weeraray xarunta Youth Caffee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay halkaasi oo inta badan habeen iyo maalin ay ku cabeyaan Dhalinyarada magaalada Baydhabo.
Xaruntaan Youth Caffee ayaa sidoo kale ah meel gacanta ay ku heyso wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha KGS, oo tababaro ugu qabataa Dhalinyarada sidoo kalena ay tahay goob wax lagu barto.
Markii dhalinyarada magaalada laga reebo, waxaa sidoo kale imadaan masuulin ka tirsan maamulka, Xildhibaano, wasiiro iyo madaxda kale ee kala duwan ee ku sugan magaalada.
Waxaa lagu ciyaraa geemamka kala duwan ee shaashadaha laga ciyaaro kuwa caadiga ah iyo salaxa kubadda cagta lagu ciyaaro ayadoo sidoo kalena loo tago raashinada iyo cabitaanada kala duwan.
Labadaan Bambe ee lagu tuuray ayaa mid aan gaarin gudaha ayaa ku qaraxday banaanka oo ku sugnayeen ilaalada xarunta halka midda kale laga gaaray intay qarxin ayadoo saacad kadib laamaha amniga ay qarxiyeen.
Xarunta ayaa waxaa soo gaaray ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka KGS, ee NISA oo halkaasi ka sameysay baaritaan kadibna goobta iskaga tageen.
Majiraan qof wax yeelo ka soo gaartay qaraxyadaan xalay lagu weeraray xarunta Youth Caffee, waxaana halkaasi ka kala dareeray dadkii xarunta ku sugnaa iyadoona la ogeen in maamulka xarunta ay furi doonaan iyo in kale madaama xarunta ay tahay goob dhalinyaro iyo masuulin badan ay ku xiran yihiin.
Codkakoonfurgalbeed.com