Home » Xarunta Caafimaadka Arlaadi Specialis Hospital oo laga hirgaliyay magaalada Baydhabo.

Xarunta Caafimaadka Arlaadi Specialis Hospital oo laga hirgaliyay magaalada Baydhabo.

by Weriye Ateera

BAYDHABO(CKG)-Munaasanaddan ayaa Waxaa lagu dahfuraayay xarunta cusub caafimaadka ee Arlaadi Specialist Hospital oo kamid noqotay xaruumaha kale ee caafimaadka ka jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dahfurka xarunta caafimaadka Arlaadi ayaa Waxaa ka soo qeyb galay mas’uulin ka tirsan maamulka Koonfur galbeed soomaaliya, maamulka iyo shaqaalaha xarunta, Bahda caafimaadka, aqoonyahno, ganacsato iyo qeybo kamid ah Bulshada magaalada Baydhabo.

Dhamaan mas’uulintii ka soo qeyb gashay munaasabadda ayaa waxay ka soo jeediyeen baahiyaha loo qabo xaruumo Caafimaad si Bulshada wax looga qabto.
Xasan Xuseen Bahda Caafimaad iyo Dr Faarax Axmed Ibraahim, madax Tawakal F. kGS oo ku hadlay afka Bahda caafimaadka ayaa soo dhaweeyay  Arlaadi Specialist Hospital.

Sidoo kale Cabduqaadir Xaaji Axmed Dr Ciro iyo Dr Haruun Nuur Maxamed ayaa balan qaaday in xaruntaan Caafimaad loogu adeegi doono Bulshada magaalada Baydhabo iyo kuwa kale.

Mukhtaar Maxamed Aadan Wasiir ku xigeenka H.g iyo Cumar Cabduramaan Maxamed Cali Wasiir ku xigeenka shaqada shaqaalaha iyo arrimaha Bulshada KGS ayaa shaahey in loo baahan yahay in magaalada ay ku soo biiraan xaruumaha caafimaadka sida Arlaadi Specialist Hospital.
Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com