Baydhabo(CKG)-Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa ka diclaacmay ama ka jiraa maalmahaani xanuun ku dhaca indhaha kaasi oo dhaqaatiirta ay ku shegeen in uu yahay caabuqa loo yaqaano daafka kaasi oo saf maren ka dhigay bulsho badan oo ku nool magaalada Baydhabo.
Cudurkaan ayaa la sheegey sanadkii ama labadii sanoba in la arko bilooyin kaasi oo aan kala soocin carruurta iyo dadka waa weyn.
Qofka ku dhaca xanuunkaasi ayaa waxa ka mid ah astaamaha uu yeesho indho xanuun, indhaha oo gaduudtaan, barar iyo in uu dhibsado iftiinka badan, waxana lagu baaqay in ay dadka kala fogadaan salaanta iyo taabashada ay yareyaan siiba dadka qaba.
Maalmaha uu qofkaasi indhaha ka xanuunsan yahay ayaa waxaa la faray in indhihiisa ka ilaaliyo gacamihiisa, marooyinka nadaafadda la heyn iyo intiinka badan.
Sidoo kale wax yaabaha lagu daaweeyo ayaa waxaa kamid ah biyo la karkariyay in boomatooyin habeenkii lagu shubaayo taasi oo ka caawin karta in maamlmo yar gudahooda ka daawoowo.
Codkakoonfurgalbeed.com