Home » Xabbad-joojin Soconaysa 24 Saac Oo Looga Dhowaaqay Sudan

Xabbad-joojin Soconaysa 24 Saac Oo Looga Dhowaaqay Sudan

by Mohamed Adam Socdaal

Sudaan (CKG)- Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa ku heshiiyey xabbad-joojin soconaysa muddo 24 saacadood ah, oo ka billaabmaysay fiidnimadii Talaadada.

Xabbad-joojinta ayaa timid kadib cadaadis uga yimid xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken oo ku saabsan joojinta dagaalka lagu hoobtay ee ka dhacay caasimadda dalka Sudan ee Khartoum iyo weliba rasaas lagu furay kolonyo diblomaasiyiin Maraykan ah.

Colaadda u dhexeysa kooxaha hubaysan ee ku loolamaya dalka Sudan ayaa billaabmay afar maalmood ka hor, waxaana ku dhintay ugu yaraan 185 qof guud ahaan dalka.

Xabbad-joojinta ayaa billaabanaysa 6-da Fiidnimo wakhtiga dalka Sudan, iyada oo aan laga sii kordhin doonin wakhtigaas lagu heshiiyey, sida uu u sheegay telefishanka al-Carabiya, General Shams El Din Kabbashi oo xubin ka ah golaha milateriga ee haya dalka Sudan.

Subaxnimadii Talaadada, waxaa guud ahaan Khartoum ka dhacay rasaas ay wehlisay dhawaqa diyaarado dagaal iyo qaraxyo.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com