Home » Xaaska Wariye Kenya Lagu Dilay Oo Dalbatay In Kiiska Ay La Wareegto Qaramada Midoobey

Xaaska Wariye Kenya Lagu Dilay Oo Dalbatay In Kiiska Ay La Wareegto Qaramada Midoobey

by Mohamed Adam Socdaal

Kenya (CKG)- Xaaska wariye caan ah oo u dhalatay dalka Pakistan, ayaa ka codsatay Qaramada Midoobay in la sameeyo baaritaan madax banaan, oo ku saabsan toogashada ninkeeda looggu geystay dalka Kenya.

Javeria Siddique ayaa sheegtay in booliiska Kenya iyo Pakistan ay ka xumaadeen baaritaanada lagu hayo toogashada Arshad Sharif.

Wariyaha ayaa bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay waxaa toogasho ku dilay ciidamo ka tirsan booliiska oo isbaaro u taalay duleedka magaalada caasimadda ah ee magaalada Nairobi.

Javeria Siddique, ayaa codsatay in loo magacaabo ergeyga gaarka ah ee madax ka ah baaritaanka madax banaan ee lagu dilay ninkeeda Arshad Sharif sanadkii hore.

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com