Home » Xaaladda barkacyaasha degmada Xudur oo adkaatay.

Xaaladda barkacyaasha degmada Xudur oo adkaatay.

by Weriye Ateera

XUDUR(CKG)-Kormeerkaan ayaa Waxaa xogaaminaayay guddoomiyaha maamulka degmada Xudur mudane Cumar Cabdulaahi kuxigeenadiisa, qaar kamid ah xilibaanada golaha degaanka, isku duwaha samafalka gobolka bakool, saraalkii ka socotay hay’adaha ka shaqeeyada degmada iyo mas’uulin kale.
Kormeerkaan ayaa muhiimaddiisa waxay ahay sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa dadka barkacyaasha iyo kuwa kale ee ku nool qaar kamid ah xaafadaha degmada Xudur.

Maamulka iyo mas’uulinta kale ee kormeerka ku jiray ayaa mid mid waxay u wareysteen dadka barkacyaasha ee degmada ku nool ayagoo ugu waramay sida ay ku mareyaan noloshooda.

Degmada Xudur oo Godoon ku jirta ayaa waxay sii adkeysan noloshada dad badan madaama aan jirin dhaqdhaqaaqyo xaaladdooda wax ugu bedeli karaan.

Hay’adaha ka howlgala degmada Xudur ayaa qiimeyeen waxyaabaha ugu muhiimsan ee dadkaan ay u baahan yihiin sida qaashiinka, caafimaadda iyo adeegyada kale.

Bilihii la soo dhaafay ayaa Waxaa gaabis galay gar gaarkii ay bixin jireen hay’adaha kala duwan ee ku sugan degmada Xudur.

Anigoo ku hadlaaya afka maamulka degmada Xudur iyo bulshadeeda waxaan ku wargalinayaa hay’adaha degmada ku sugan in intii karaankooda ah ay soo caawisaan dadka barkacyaasha ah ee xaafadaha kala duwan ee ku heystaan kaamamakaani”

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com