Baardheere (CKG) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya, in weerar qarax ku billowday oo xubno ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab ay ku qaadeen xero ku taalla duleedka degmada Baardheere, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Warar ay helayso warbaahinta CKG ayaa sheegaya, in qaraxani marka hore lagu burburiyay darbiga Xerada, waxana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada ilaalada Xerada iyo maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya, in Saldhigga la weeraray ay ku sugnayeen ciidamo kasoo jeeda deegaanka oo halkaasi lagu tababarayay, si ay uga mid noqdaan ciidamo loo diyaarinaayo la dagaalanka Argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo tababarkooda ay Jubbaland walaac ka muujisay.
Illaa iyo 5 ruux oo isugu jira tababarayaal iyo askar ayaa ku dhintay weerarkaasi iyo dagaalka tooska ah oo ku sugneed saldhigaasi, waxaana magaalada Baardheere wali laga dareemaya xaalad ka dhalatay weerarka.
Dad goobjoogayaal ku sugan degmada Baardheere ayaa sheegay in intii uu dagaalka socday ay ku biireen Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo saldhig ku leh agagaarka xerada Al-Shabaab weerarka ku qaaday, balse xaaladda haatan ay tahay mid degan.
Weli kama aysan hadlin weerarkaas laamaha amniga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, balse dhacdadaan ayaa ku soo beegmeysay, xilli dhawaan weerar ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday Guriga Martida ee degmada Baardheere uu ku dhaawac guddoomiyaha Gobolka Gedo.
CodkaKoonfurGalbeed.com