Home » Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Saldhigga Ciidamada Jubbaland & Khasaaro Ka Dhashay

Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Saldhigga Ciidamada Jubbaland & Khasaaro Ka Dhashay

by Mohamed Adam Socdaal

Baar-sanguuni (CKG)– Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihiin degaanka Baar-sanguuni oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacday Agagaarka xerada Ciidamada , balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen Gudaha xerada, isla markaana qasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Jubbaland dhankooda ay weerarka madaafiicda ah ka jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, hayeeshee Ciidamada Jubbaland ay wadaan howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Codkakoonfurgalbeed.Com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com