Home » Waxbarashada heerka labaad ee Taqasuska isku dhafka Maareynta Kheyraadka biyaha Oo Muqdisho Lagu dahfurey.

Waxbarashada heerka labaad ee Taqasuska isku dhafka Maareynta Kheyraadka biyaha Oo Muqdisho Lagu dahfurey.

by Weriye Ateera

Muqdisho(CKG)-Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS ayaa si rasmi ah u dahfuray mashruuc waxbarasho oo labo sano ah heerka Jaamacadda taqasuuska Mareynta kheyraadka biyaha isla markaasina ay bixinayso jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, mashruucaan oo maalgalinayso hay’adda qaramada midoowe UNDP.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada DFS Faarax Sheekh XCabduqaadir ayaa kula dar-daaramay 35 arday ee ka faa’ideysanaysa taqasuuska Mareynta kheyraadka biyaha oo ay soo agaasimtay wasaaradda tamarta khayraadka biyaha mashruucaas ayaa ku sheegay mid muhiim u ah Ardayda ka faa;ideysan doonto.

Wasiirka wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha DFS Xil Kaamac Taqal Cabaas ayaa sheegay muhiimadda taqasuuska Mareynta kheyraadka biyaha ee heerka labaad master Digrii oo ay bixinayso jaamacadda umadda soomaaliyeed.

35 arday ee ka faa’deysan doonaan taqasuuska Mareynta kheyraadka biyaha ayaa ku soo aadaysaa xili soomaaliya si aad ah ugu baahi qabto in ay mareysato kheyraadkeeda biyaha xiliyada ay jiraan roobabka.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com