Baydhabo (CKG)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Iyo wacyigelinta Bulshada Dowladda Koonfur Galbeed Abdifatah Cali Yuusuf ayaa ka qeyb galey Dood hal maalin ah oo ku saabsan Xurriyadda Saxaafadda Soomaaliya ee Xuska Maalinta Saxaafadda Addunka oo Maanta lagu qabtey Magaaalada Baydhabo.
Waxana Dooda soo qaban qabiyey Ururka Suxufiyiinta Koonfur Galbeed
Waxana ka soo qeyb galey Xeer ilaaliye kuxigeenka Koonfur Galbeed, Qaar ka mid ah Saxafiyiinta ka howlgasha Baydhabo, Agaasimiyaasha warbaahinta, Bahda Waxbarashada, Iyo Qeybah kala duwan ee Bulshada .
Wasiirka Warfaafinta Dowladda KG Mudane Abdifataha Cali Yuusuf oo ugu hambalyeeyey wariyaasha Maalinta Saxaafadda Aduunka ayaa sheegey in Wasaaradda ay ka shaqeyn doonto Ilaalinta Xuriyatul Qowlka iyadoona kordhin doonto Tababarada Aqoontooda kor loogu qaadeyo Wariyaasha ka howlgala Deegaanada Koonfur Galbeed.
Codkakoonfurgalbeed.com