Kismaayo (CKG)- Wasiirka Wasaaraadda Amniga Jubbaland S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay La-taliyaha Booliska ee Qaramada Midoobey iyo sarakiil ka socotay howlgalka ATMIS.
Kulankan ayaa lagaga hadlay dardargelinta howlgalada lagu cirib tirayo khawaarijta, Tababarada Ciidamada iyo Iskaashiga Ciidanka Jubbaland iyo kuwa howlgalka ATMIS.
kulanka ayaa mudadii uu socdey waxaa diirada lagu saarey suurigalnimada in Wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo la wareegida goobaha Shabaab ay kaga sugan yihiin Jubbaland iyo in ciidamada huwanta ah ay xoogiyaan howlgalka.
Codkakoonfurgalbeed.com