Home » Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga DFS oo soo xiray shirka Dhaqaalaha iyo Maalgashiga dalka

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga DFS oo soo xiray shirka Dhaqaalaha iyo Maalgashiga dalka

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Waaiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Shariif, ayaa galabta soo xiray Shirka Dhaqaalaha Soomaaliya oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo balaarinta xiriirka Ganacsi ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Gabagabadii shirkan ayaa waxaa kulamo gaar gaar ah oo isku xir ah loo sameeyey ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Talyaaniga si ay uga wada xaajoodaan iskaashiga labada dhinac iyo fursadaha maalgashi.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com