Baydhabo(CKG)-Kormeerkaan oo ahaa mid uu Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed uga kuur-galayey Shaqada ka socota Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku wehlinaayey Mas’uuliyiin kala duwan.
Xarunta Wasaaradda Shaqada waxaa Wasiiru-Dowlaha iyo Mas’uuliyiinta la socotay kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda, Wasiir ku Xigeenka, Agaasimaha guud iyo Howlwadeenada Wasaaradda.
Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Koonfur Maxamuud Maxamed Kheyre ayaa soo indha indheey Qeybaha Wasaaraddu ay ka kooban, gaar ahaan Goobaha lagu barto Farsamada Qacanta.
Waxaana Goobahaasi wax lagu barayaa Dadka Danyarta ah ee ku nool Kaamamka Magaalada Baydhabo waxayna isugu jiraan Gabdho iyo wiilalal.
Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ayaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda oo uga horeeyo Wasiirka Shaqada Cabduqaadir Cumar Cabdulaahi Baasto ka dhagaystay Baahiyaha halkaas ka jira iyo Shaqada socota.
Wasiir Cabduqaadir Cumar Cabdulaahi Baasto ayaa ka warbixiyey Howlaha Baahada leh ee Wasaaradda Shaqada ay u hayso Bulshadda Reer Koonfur Galbeed iyo sida ay wax u barayaan Danyarta kunool Kaamamka barakacayaasha ee Baydhabo.
Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Koonfur-galbeed Maxamuud Maxamed Kheyre ayaa Sharaxay u jeedada kormeerka uu ku gaaray Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Koonfur-galbeed.
Kormeerka Wasiiru-Dowlaha sameyey waxaa ku wehlinayey Gudoomiyaha Shaqaalaha Rayidka waxaana uu daran yahay Howlaha Shaqo ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ay uhayso Bulshada Koonfur Galbeed.
Codkakoonfurgalbeed.com