Home » Wasiirrada Gaashaandhigga Somaliya iyo Kenya oo kawada hadlay iskaashiga dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab

Wasiirrada Gaashaandhigga Somaliya iyo Kenya oo kawada hadlay iskaashiga dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab

by CKG Editor

Nairobi (CKG) – Wasiirka gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo dhigiisa dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa maanta ka wadahadlay iskaashiga dagaalka ka dhanka Argagixisada Al-Shabaab, kadib kulan ay ku yeesheen Kenya.

“Waxaan ka wada hadalnay doorka hoggaamineed ee CXDS ee Howlgaladda socda iyo in ay naga caawin doonaan tababaradda heerka sare ee CXDS” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga XF Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirka ayaa dhigiisa Kenya uga mahadceliyay kaalinta Kenya ku leedahay la-dagaalanka Argagixisada, maadama ay kamid yihiin howlgalka Midowga Afrika, kuwaasi oo si gaar ah uga howlgala deegaannada Jubbaland.

CodkaKoonfurGalbeed.com  

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com