Home » Wasiiro Katirsan Koonfur Galbeed Oo Ka Qeybgalay Munaasabada Maalinta Shaqalaha Adduunka (SAWIRRO)

Wasiiro Katirsan Koonfur Galbeed Oo Ka Qeybgalay Munaasabada Maalinta Shaqalaha Adduunka (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Wasiiro, Xildhibaano Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Guddoomiyaha guddiga Shaqalaha Rayidka madax ka kala soctay hY’adaha ILO, GIZ dhamaan Shaqaalaha Dowladda iyo Marti sharaf kale, ayaa ka qeybgalay Munaasabad loogu dabaal dagayey maalinta shaqalaha Adduunka oo sanad walbo 1 may loo dabaal dago taasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada oo kaashanaysa Hay’adaha ILO iyo GIZ.

Mudane Mohamed suufi Adan Agaasimaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Koonfur galbeed oo ugu horeyn munaasabada ka hadlay waxaa uu bidhaamiyey muhiimada maalintan wuxuuna sheeegay in wasaaradda ay markasta ilaaliso xuquuqda shaqaalaha dowliga iyo kuwa aan dowliga aheyn markastana ay dadaal dheeraad ah gelinayaan horumarinta shaqaalaha.

Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Mudane Abdulkadir Cumar Cabdullaahi oo munaasabada soo xiray ayaa xusay in sanadkii lasoo dhaafay shaqo abuur ay u sameeyeen dhalinyaro badan isagoona hambalyo u diray shaqaala weynaha adduunka gaar ahaan kuwa koonfur galbeed.

Maalinta shaqaalaha aduunka ayaa la asteeyey 1, May, 1904-tii in ay noqoto Maalinta Shaqaalaha ay u dabaal degaan.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com