Home » Wasiiro Katirsan K/galbeed Oo Kulan kula Qaatay Bardaale ATMIS

Wasiiro Katirsan K/galbeed Oo Kulan kula Qaatay Bardaale ATMIS

by Mohamed Adam Socdaal

Bardaale (CKG)- Masuuliyiin katirsan Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Taliska ATMIS ee ku sugan Degmada Bardaale.

Kulankan oo inta badan diirada lagu saarayey nabadgeliyada Degmada iyo dadaalada nabadeed ee Wasaaradda Arrimaha gudaha ay ka wado Degmada waxaana kulanka ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdulaahi Xaaji Xasan Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Isaag Cabdi Wasiir kuxigeenka Gargaarka Mudane Maxamed Nuur Cabdi Guddoomiyaha Gobolka Mudane Cabdifatax Maxamed Ibraahin Guddoomiyaha Degmada Mudane Cabdi Sheekh Maxamed xoghayaha dowlada Hoose Mudane Xasan Cade iyo Taliyaha Ciidamada ATMIS Colonel Ferede Tamir iyo kuxigeenkiisa Colonel Dure Kilko.

Kulanka waxaa uu ku soo dhamaadey is afgarad iyo wadajir in lagu wadashaqeeyo lana sii xoojiyo dardargelinta dedaalada dhab u heshiisiineed ee bulsho iyo maamul ee Degmada Bardaale si ay u sii socdaan geeddi-socodka dowladnimo.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com