131
Baydhabo(CKG)-Munaasabad lagu dhaarinayey Wasiirka Wasaaradaha Cadaalada iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Hormarinta Reer Miyiga ayaa lagu Qabtay Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo.
Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye ku Xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Marwo Shamsa Maxamed Yarow oo ay Wehliyaan Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Wasiiro iyo Xildhibaano ka Tirsan Dowlada Koonfur Galbeed ayaa ka Qeybgalay Munaasabad Dhaarinta Wasiirada Cusub.
Codkakoonfurgalbeed.com