Home » Wasiiro ka tirsan KG oo xilalka kala wareejiyay(SAWIRRO)

Wasiiro ka tirsan KG oo xilalka kala wareejiyay(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Agaasimaha Guud ee hore Wasaaradda Arrimaha Gar-gaarka Iyo Maaraynta Musiibooyinka Mudane Dini Abdinur Mohamed ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gar-gaarka Iyo Maaraynta Musiibooyinka Mudane Hussein Nor Adan waxaana uu si diiran ugu soo dhaweeyay  Wasaaradda Arrimaha Gar-gaarka Iyo Maaraynta Musiibooyinka ee Dowladda Koonfur Galbeed. Wasiirka  Wasaaradda Arrimaha Gar-gaarka Iyo Maaraynta Musiibooyinka Mudane Abdinasir Abdi Arush waxa kale oo uu soo dhaweeyey Agaasimaha cusub, waxana uu Agaasimaha hore ee Wasaaradda ku bogaadiyey sida wanaagsan ee  uu soo agaasimey Wasaaradda. Wuxuuna u rajeyey Agaasimaha cusub in Alle u fududeeyo xilka cusub.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ayaa soo dhoweeyay, isla markaana ku baraarujiyay in cid kasta ay raacdo shuruucda, isla markaana ay dhegeysato shaqaalaha.

Agaasimaha cusub ayaa u mahad celiyay Wasiirada iyo dhamaan ka soo qeyb galayaasha, isagoo balan qaaday inay si wada jir ah ula shaqeyn doono wasaaradaha iyo dhamaan shaqaalaha. Agaasimaha cusub ayaa balan qadey in uu si wadajir ah ku hoogamin doono dhamaan shaqalaha uuna si dhow ula shaqeyn doono wasiirka Wasaaradda.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com