Home » Wasiirka Waxbarashada ‘‘Ciidanka Booliska waxay mas’uul ka yihiin bad qabka ardayda & Amaanada imtixaanka‘‘

Wasiirka Waxbarashada ‘‘Ciidanka Booliska waxay mas’uul ka yihiin bad qabka ardayda & Amaanada imtixaanka‘‘

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa Talaadada maanta ah kulan la yeeshay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Saraakiisha loo diyaariyey inay ka shaqeeyaan Amniga iyo Amaanada Imtixaanka.

Wasiir Faarax iyo Sareeyo Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Saraakiisha kula dar daarmay in ay mas’uul ka yihiin bad qabka ardayda iyo amaanada Imtixaanka.

Sidoo kale, waxa ay fareen inay ardayda ula dhaqmaan sida ugu wanaagsan oo aysan khal khal galinin ardayda.

Saraakiishan ayaa ka shaqeyn doono 114 xarumood oo loo diyaariyey in ay imtixaan ku galaan 34,000 oo arday, kuwaasoo ku kala yaalla Caasimadda iyo Gobollada dalka.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com