Baydhabo (CKG)- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Dr Cali Cabdi Macalin ayaa Xaruunta Wasaaradda Qorsheynta kulan kula qaatay Wafdi ka socdey Hay’adda NRC.
Kulankan ayaa loogu hadlaayey Arrimo ay kamid yihiin, Kor u qaadista Dhaqaalaha, Mashaariicda Hormarineed iyo Gurmudka Dadka ay Saameeyeen Abaaraha ka jira dalka gaar ahaan deegaanada koonfur galbeed iyo sidii gurmad loogu sameyn lahaa bulshada dhibaataysan.
NRC Country Director Mr. Mohamed Abdi Ayaa Wasiirka Wasaaradda Ugu mahadceliyey shirka muhiimka ah ee uu la yaashay wasiirka Qorsheynta KGS isagoona sheegay muhiimada ay u leeyahay Dowladda Koonfur Galbeed,
Ugu dameyn Wasiirka Wasaarada qorsheynta Koonfur Galbeed Mudane Dr Cali Cabdi Macalin ayaa ugu mahadceliyey Madaxda Hay’ada NRC sida ay u garab taagan yihiin shacabka Deegaanada Koonfur galbeed wuxuuna u sheegey inay dardargeliyaan howlaha gurmadka Abaaraha xili deegaanada Koonfur galbeed ay ka jirto xaalad abareed oo saameysay Bulshada.
- Codkakoonfurgalbeed.com