Baydhabo (CKG) – Wasiiirka Howlaha guud iyo Guriyenta Koonfur Galbeed Mudane Daahir Abdi Abdullahi Dr Go ayaa ku wargeliyey Dhamaan dadka degan dhulalka Dowladda ee ku yaala degmada Baydhabo in mudo shan iyo toban maalmood gudaheed ku baneeyaan dhulalka Dowladda.
Laga bilaabo Tr; 29/3/2023 Cidii amarkan fulin weyda waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga Waafaqsan ayaa lagu yiri” Digreeto uu soo saarey Wasiirka.
arintan ayaa ah mid saameynaysa Masuuliyiinta dowlada iyo dadka degan goolaha dowlada sida wasaaradihii iyo warshadihii dowladi kacaanka kuwaasi oo ay ku habsadeen ganacsato iyo masuuliyiin dowladeed.
hadii ay suurigal noqoto in laga guuro ama lagu guuleysto in la baneeyo goobahan waxay fursad weyn u noqoneysa Dowladda oo xiligan baadi dooneysa goob loo dhiso wsaaradaha iyo Hay’adaha muhiimka ah ee Dowlada.
CodkaKoonfurGalbeed.Com