Home » Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed Oo Kulan La Qaatay Hay’adaha Ka Shaqeeya Arrimaha Bani’aadinimada (SAWIRRO)

Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed Oo Kulan La Qaatay Hay’adaha Ka Shaqeeya Arrimaha Bani’aadinimada (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Baydhabo (CKG)- Wasiirka Wasarada


Gargaarka iyo Maareynta Masibooyinka Koonfur Galbeed Mudane Abdinasir Abdi Carush ayaa Gudoomiyey Shir ku qabsoomay Aalada Fogaan araga oo ay ka qeybgaleen Hay’addaha ka shaqeeya Arrimaha Gargaarka,Gudoomiyaha Hay’adda SODMA iyo Gudoomiyaha Maamulka Degmada Xudur oo Diirada lagu Saaray wax ka qabashada Dadkii Samaynta ku yeeshay Roobabkii Dhowaan ka Da’ay Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Shirka oo inta badan wasiirka Aalada Fogaan araga ee SOOM ka ayaa waxaa dhamaan hay’adaha uu faray in la dardargeliyo howlaha gargaar iyo u gurmashada dadka ku dhibaatoobey Roobobka ka da’ay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

dhawaan ayay ahayd markii wasaaradda gargaarka oo kaashaneysa Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka qaran ay booqdeen Degmada Xudur shaxnad yarna ay gaarsiyeen dadkii ku barakacay dhibaatadii ka dhalatay Roobabkii ka da’ay Degmadaasi.

CodkaKoonfurGalbeed.Com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com