Muqdisho (CKG) – Wasiirka Gaashaandhiga iyo masuuliyiinta kale ayaa Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho kula wareegay Gaadiid dagaal oo loogu talo galay ciidanka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidanka Gorgor.
“Waxaan maanta dekada Muqdisho kula wareegey gaadiid ay noogu deeqdey Dowlada aan walaalaha nahay ee Turkiga, Waxaan u mahad celinaayaa Shacabka iyo Dowlada Turkiga oo hiil iyo hooba la garab taagan xaalad kasta walaalahooda Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Dowladda Turkiga waxay ka mid tahay dowladdaha sida weyn u taageera dowlada Soomaaliya, waxaana xusid mudan in dalkeeda ay kusoo tababarteen ciidamo fara badan oo ka mid ah kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed, islamarkaana haatan qeyb ka ah dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
CodkaKoonfurGalbeed.com