Uganda (CKG) – Wasiirka Gaashaandhigga XF Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa dalka Uganda tababar ugu soo xiray urur gaar ah oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo soo dhameystey tababar heerkiisa aad u sareeyo.
Ciidamadan cusub ayaa qaatay oo soo dhameeystay tababar heerkiisa aad u sareeyo, kaasi oo muddooyinkii dambe ku qaadanayeen dalka Uganda.
Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kula dardaarmay ciidanka uu tababarka u soo xiray inay diyaar garoobaan ka qeyb qaadashada dib u xorreynta dalka iyo sidii guud ahaan dalka looga ciribtiri lahaa argagixisada Al-Shabaab.
Soomaaliya ayaa dooneysa inay dhameystirto diyaarinta ciidan ku dhaw 15,000 askari sanadkaan aan ku jirno ee 2023-ka, sida uu kal hore shaaciyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
CodkaKoonfurGalbeed.com