Home » Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ‘Jaamac’ oo Dowladdii Farmaajo eedeyn kulul u jeediyay (Maxaa cusub?)

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ‘Jaamac’ oo Dowladdii Farmaajo eedeyn kulul u jeediyay (Maxaa cusub?)

by Weriye Ahmed Yare

Muqdisho (CKG) – Wasiirka Gaashaandhigag XF Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo wareysi bixiyay ayaa ka hadlay go’aanka dowladda ee kula wareegeyso qabuuraha Iskuul Buluusiya, wuxuuna sidoo kale eedeyn u jeediyay dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka Jaamac ayaa sheegay in dowladdii hore uu madaxweynaha ka ahaa Farmaajo ay isku deyday inay burburiso qabuuraha Iskool Buluusiya, iyada oo ka leh dano gaar ah, balse laga diiday xilligaasi, kadib markii ay ka horyimaadeen culimada iyo shacabka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa intaasi raaciyay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo iyo kooxdiisa ay rabeen in dhulkaasi ka dhistaan hoteelo iyo goobo kale oo dalxiis, balse ku fashilmeen rabitaankooda maadaama ay dano gaar ah wadeen.



“Xukuumaddii madaxweyne Farmaajo dalab ayay culimada Soomaaliyeed u gudbisay waxay codsadeen in culimada ay Ummadda Soomaaliyeed u sharraxdo, kadib culimada way wadiisay waxa meesha lagu qabanaayo waxa ay yiraahdeen hoteelo ka dhiseynaa iyo deegaan wayna diideen culimada” ayuu yiri Wasiirka Gaashadhigga ee XFS.

Geesta kale, eedeynta Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waxaa si adag u beeniyay afhayeenka Madaxweyne Farmaajo, isagoona warkaasi ku tilmamay mid aan raad laheyn oo been ah.

”Warka uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiggu waa mid aan sal iyo raad toonna lahayn oo laga leeyahay dano gurracan, waxayna ka tarjumaysaa sida dowladda hadda joogta ay u caadaysatay been abuurka iyo musuqmaasuqa xargaha goostay” ayuu yiri afhayeenka Farmaajo, Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

Wuxuu intaasi ku daray afhayeenka Farmaajo; ”Ummadda Soomaaliyeed way ka dheregsan yihiin labada madaxweyne, midka ay caadada u tahay musuqmaasuq, wayna xusuustaan in Maxadweyne Farmaajo wareejiyey dhulkii danta guud iyada oo la dhawray iyo Madaxweynaha hadda xilka haya oo isaga oo aan sannad joogin xafiiska dhaxal wareejiyey inta badan dhulkii danta guud.

Si kastaba, eedeyta ka soo yeertay wasiirka Gaashaandhigga ayaa ku soo beegmeysay, xilli dowladda hadda jirta ammartay in meydadka ku aasan qabuuraha Iskuul Buluusiya halkaasi laga saaro, waxa ayna dowladda sheegtay in dhulkaasi iyadu u baahan tahay.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com