Home » Wasiirka Gaashaandhigga DFS oo ka warbixiyay guulaha Ciidamada Xoogga dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga DFS oo ka warbixiyay guulaha Ciidamada Xoogga dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Guddiga ka talo bixinta wax ka bedelka muddo xileedka Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka iyo Madaxweynaha ee qodobada 60-aad iyo 91-aad ee dastuurka KMG ah ayaa Isniinta maanta ah xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulan uu shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumaddq Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo guddiga xog iyo warbixin dhammeystiran ka siiyay horumarada laga gaaray howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha argagixisada Al-Shabaab iyo sidoo kale horumarada ka jira deegaannada maleeshiyaadka Al-Shabaab laga saaray.

Guddiga ayaa ku amaanay ciidamada Qaranka dadaalka ay ugu jiraan in dhulka Soomaaliyeed laga ciribtiro Al-Shabaab, waxayna kula dardaarmeen in ay dadaalkooda laba jibbaaraan.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com