Muqdisho (CKG) – Wareysi gaar ah uu siiyay Telefeshinka Universal, wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa waxa uu xog badan ka bixiyay fadeexadii iyo musuqmaasuqii hareysay taliska ciidanka Danab.
Wasiirka ayaa xaqiijiyay in arrintaan ay jirto, ayna dhacday laba toddobaad ka hor, taasoo uu xusay in lagu leexsaday raashiinkii loogu talagalay ciidamada Danab ee xoogga dalka Soomaaliya. Wuxuu qiray in suuqyada magaalada Muqdisho loo iib-geeyay raashiinkaas.
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Mr Jaamac ayaa ka dhawaajiyay intuu dhacdadan ay ku lug leeyihiin saraakiil sar sare oo ciidanka ka mid ah, kuwaasi oo markii dambe loo soo xiray, si buu yiri loogu qaado wuxuu sharciga qabo.
- Ciidanka Xoogga dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno katirsan Gobolka Bakool.
- Xanuun ku dhaca Indhaha oo magaalada Baydhabo ku faafay.
- Donkey cart bomb kills five in northeast Kenya
- EU tightens visa requirements for Ethiopians over a lack of government cooperation on deportations
Wuxuu intaasi raaciyay wasiirku, in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waaxyihiisa kala duwan oo ku shaqada lahaa ay dabagal ku sameeyeen, ayna ogaadeen in arrintaas uu jiro, ayna gacanta ku soo dhigeen dadkii ku dhex jiray shaqadaasi.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa wareysiga ku sheegay in dowladda Mareykanka ay isla garteen in hadda kadib DFS ay la wareegto raashiinka Ciidamada Danab, balse howlaha kale iyo taageerada uu Mareykanku sii wadi doono.
Si kastaba, dhawaan ayay aheyd markii fadeexada raashiinka ciidanka Danab la leexsaday ay hareysay dowladda Soomaaliya, balse weli la sugayo natiijada baaritaanka iyo tallaabada ay DFS qaadi doonto.