Muqdisho (CKG)- Wasiirka Waraasadda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa maanta si macnawi ah abaal marinadooda ugu wareejiyey tartamayaasha Kaalimaha ka galay tartankii xifdinta Qur’aanka Kariimka ee Bisha Ramadaan ee 19 kii bishan Abriil uu soo xirey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Ardayda sanadkan kaalimaha ka galay tartanka Qur,aan akhriska ee heerka Qaran ayaa kala ah:-
1. Saabiriin Xasan Maxamed oo ka socotey Maamulka Gobalka Benaadir ayaa ku guuleystey kaalinta 5aad iyadoo lagu abaal mariyey lacag dhan US$ 5, 000
2. Cabduqaadir Yuusuf Maxamed oo asaguna ka socdey isla Maamulka Gobalka Benaadir ayaa xijistey kaalinta 4aad ee tartanka, asagoo ku guuleystey cadad lacageed oo dhan US$ 7,000
3. Xuseen Maxamed Cabdulle oo matalayey Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ku mintidey kaalinta 3aad asagoo ku guuleystey tiro lacageed oo dhan US$ 10,000
4. Maxamed Ibraahim Maxamed oo ka socdey Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa asagana galay kaalinta 2aad, wuxuuna la hooydey US$ 15,000
5. Cabdifataax Axmed Maxamed oo isaguna ka socdey isla Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku guuleystey kaalinta 1aad, waxaana lagu abaal mariyey ama la guddoonsiiyey aduun lacageed oo gaaraya US$ 20,000
Tartankan heerka Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka ee Bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa waxaa ku tartamey 28 ardey oo ka kala socdey Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Maamulka Gobalka Benaadir, waxaan markii ugu horreysey maalgeliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ay taabagelisey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta JFS.
Codkakoonfurgalbeed.com