Home » Wasiirka Degaanka KG oo kulan la qaatay Saraakiil ka socday Hay’adda Qaramada Midooday UNDP Somalia.

Wasiirka Degaanka KG oo kulan la qaatay Saraakiil ka socday Hay’adda Qaramada Midooday UNDP Somalia.

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada KGS Diini Abdinur Mohamed oo ay weheliyeen Wasiirku xigeenka wasaaradda, Agaasimaha Guud iyo La taliyaal ka socday qeybta Deegaanka iyo Isbedelka Cimailada ee Wasaaradda ayaa Shir la qaatay Saraakiil ka socday Hay’adda Qaramada Midooday UNDP Somalia oo uu Hogaaminaayey Mr Tarik-Al-Islam oo ah Madaxa Ka soo kabashada Masiibooyinka iyo Isbedelka Cimilada ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka KGS iyo Saraakiisha ka socday Wasaaradda ayaa kala hadlay Saraakiisha Hay’adda UNDP Mashaariicdii hore loo fuliyey iyo Casharadii laga bartay.

Waxay kaloo usoo bandhigeen qorshaha ay dejisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada KGS ee lagu yaraynayo dhibaatooyinka Isbedelka Cimilada.

Hay’addaha UNDPSomalia ayaa sheegtay in ay dhowaan ka fulin doonto Deeegaanada KGS Mashaariic la xiriirta yarenta Dhibaatoonka Isbedelka Cimilada.

Wasiirka Wasaaradda ayaa u mahad celiyey Hayadda UNDPSomalia Shaqada Wanaagsan ee ay ka wada Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com