Home » Wasiirka Deegaanka Iyo Isbedelka Cimalada Soomaaliya Oo Heshiis Is-Afgarad ah La Saxiixatay Dowlada Finland

Wasiirka Deegaanka Iyo Isbedelka Cimalada Soomaaliya Oo Heshiis Is-Afgarad ah La Saxiixatay Dowlada Finland

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)- Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya Marwo Khadiija Mohamed Al Makhsoumi ayaa Heshiis Is-afgarad ah la saxiixatay Dowladda Finland.

Wasiir Khadiija oo hadal jeedisay Waxay tiri” sida tan Waxay ii tahay farxad inaan heshiis is-afgarad ah wada galno dalka Finland si aan uga jawaabno arrimaha deegaanka yo Isbeddelka Cimilada ee ka jira dalkeenna. Heshiiskaan wuxu xoojinayaa ka go’aanshaheenna iyo sida aan diyaar ugu nahay iskaashi caalami ah si loo gaaro hadafka guud ee ah yareynta dhibaatada deegaanka iyo cimilada.

Wasiir Khadiija oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri” Heshiiskaani wuxuu nooga dhigan yahay mid waxtar u leh wasaaradda iyo guud ahaan Soomaaliya. Waxaan ka shaqayn doonnaa heshiiskaan si loo dhaqangeliyo, loona gaaro yoolkiisa.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com