Home » Wasiirka Caddaaladda KGS oo ka qeyb galay kulanka kowaad ee guddiga horumarinta.(SAWIRRO)

Wasiirka Caddaaladda KGS oo ka qeyb galay kulanka kowaad ee guddiga horumarinta.(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Muqdisho(CKG)-Wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka KGS. Mudane, Xasan Cabdi qaadir Maxamed ayaa ugu qeyb galay muqdisho kulanka kowaad ee guddiga horumarinta iyo maamulka mashruuca cadaaladda iyo asluubta soomaaliyeed (JJCP) kaas oo ay ka soo qeyb-galeen Wasiirada cadaaladda XFS iyo dowladaha xubnaha ka ah, bahda cadaalada, saaxiibada caalamka, hey’addaha UNDP, UNODC iyo UNSOM, iyo wasaaraddaha Cadaaladda kaas oo lagu qabtay magaaaladda Muqdisho.

Kulankan horumarinta iyo maamulka mashruuca cadaaladda iyo asluubta soomaaliyeed oo ah mid sannad walba dhaca ayaa looga doodaa qaabeynta iyo meelmarinta hannaanka ugu wanaagsan ee lagu taageeri lahaa baahiyaha iyo hawlaha hortabinta u leh bahda cadaaladda ee dalka.

Waxa sidoo kale lagu ansixiyay kulankan maanta qabsoomay qorshaha hormarinta cadaaladda iyo Asluubta ee sannadka 2023.

 

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com