Baydhabo (CKG)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowlada KGS mudane Maxamed Cusmaan Xaaji Cabdi jiidow oo ka qeybgalay Xafladda qalinjebinta Jaamaacadda Koonfurta Soomaaliya ayaa balanqaad u sameeyey Ladan Cabdi Xuseen oo ka mid aheyd ardayda sanadkaan ka qalinjebineysa Jaamaacadda Koonfurta kana qalin jabisay cilmiga caafimaadka iyadoo 20 maalmood umul ahna ay maanta ka soo qeybgashay xaflada qalinjebinteeda.
Wasiirka oo dhiirigalinaya Ladan Cabdi Xuseen isla markaana fiiirinaaya dadaalkeeda waxbarasho ayaa u balanqaadey in ay ka mid noqon doonto shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka maadaama daruufo adag ay wax ku soo baratay waliba iyadoo ah hooyo guri maamuleysa ay ka dhabaysay hankeeda waxbarasho.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa u hambalyeeyay ardada ka qalin bedelatay Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya isagoo si gaar ah ugu rajeeyay ardada baratay cilmiga caafimaadka in ay bulshadooda ugu adeegaan cilmiga ay barteen isagoo u balanqaaday in ka Wasaarad ahaan ay ka shaqeynaayaan sidii loo heli lahaa xirfadlayaal caafimaad oo aqoontoodu ay sareyso.
Codkakoonfurgalbeed.com